Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa ka dhacay isgoyska sayidka oo uu ku yaallo Control laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana uu geystay khasaare kala duwan.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta iyo ciidamada amniga ayaa haatan ku sii qul qulaya meesha uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona uu socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Faah faahinta kala soco: caasimada.net