Qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay Suuqa degmada Wanlaweyn

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmada Wanlaweyn.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Suuqa degmadaasi, xilli uu mashquul ahaa, islamarkaana ay ka dukaameysanayeen dad badan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay ku dhowaad 5 qof oo dhamaan ah dad shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa suuqa.

Ma cadda bartilmaameedka iyo ujeedka laga lahaa weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ee uu ka soo khasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii bam-gacmeed lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda degmadaas Marxuum Maxamed Cabdullahi Koosto.

Wanlaweyn ayaa waxaa horey uga jiray colaad-beeleedyo saameeyey nolosha magaladaasi iyo deegaanada ku xeeran, inkastoo hadda xal horudhac ah laga gaaray xiisadahaasi.