Qarax khasaaro geystay oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoogaaray ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay eeryada Xaafada Tarabuunka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo inta badan laga wada maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhashay miino la dhigay darbiga Guri ku yaalla dhabarka danbe ee Isbitaal Digfeer, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Khasaaraha ugu badan ee Qaraxa ayaa soo gaaray qoyskii degnaa Guriga dhabarka danbe laga dhigay Qaraxa, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegayaan in waxyeelo taa lamid ah ay soo gaartay xoolo ku oodnaa halka uu Qaraxa ka dhacay.

Dadka uu waxyeelada kasoo gaaray Qaraxa ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer oo ku dhawaa, waxaana sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray Hooyga dhabarkiisa danbe lagu aasay Qaraxa.

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyagoo halkaa ka sameeyay howlgal aan dad lagu qaban.

Dhinaca kale, goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa horay loogu rasaaseeyay gaadiid ay la socdeen dad ka tirsan shaqaalaha dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com