Wasiir Ducaale oo 2 arrin uga digay ciidamada Dowlada ee ka howlgala Muqdisho (Maxay kala yihiin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga xukuumada Somalia Maxamed ABuukar Isloow ‘’Ducaale’’ ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka laga doonaayo in muddo gaaban ay kusoo celshaan amniga magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale, waxa uu sheegay in Saraakiisha iyo ciidamada amaanka lasiin doono awoodo dheeri ah, haddii ay dhacdo in looga maarmi waayo xaalada hadba markaa jirta.

Waxa uu tilmaamay in amni darada ka jirta magaalada Muqdisho ay sabab u tahay wada shaqeyn la’aan ka dhex jirta Hay’adaha amaanka iyo dadka shacabka balse waxa uu ballanqaaday inay xooga saarayaan dib usoo nooleynta xiriirka.

Waxa uu cadeeyay in ciidamada amaanka ay mas’uul ka yihiin amniga goobaha ay joogan waxa uuna ku baaqay in iyadoo la gudanaaya mas’uuliyada haddana ciidamada laga doonaayo inay wanaajiyaan la dhaqanka shacabka.

‘’Mas’uuliyada saran Saraakiisha iyo ciidamada waxaa kamid ah inay wanaajiyaan shacabka, askarigii lagu helaa danbi ka dhan ah shacabka waxaan xaqiijineynaa in la marin doono sharciga’’

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ciidamada dowlada ay uga digayaan laba arrin oo uu ku sheegay Xadgudub iyo in shaatiga dowlada loo isticmaalo qaabab kale oo aan sharci aheyn.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaaya xili ciidamada dowlada ay qaabab khaldan xiliyada qaar ula dhaqmaan dadka shacabka ah gaar ahaan wakhtiyada ay ku jiran howlgalka iyo xiliyada ay isticmaalayaan waddooyinka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com