C/wali Maxamed Cali Gaas Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland Iyo Ku Xigeenadiisa

Garoowe-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Taliyaha ciidanka Booliska Puntland iyo Ku xigeenadiisa, kadib Digreeto ka soo baxday Xafiiskiisa.

saakay ayaa waxa ay Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawladda goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagusoo magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-04  January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenadiisa koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Dawladda goboleedka Puntland.

Xeerka magaabista ayaa waxa uu uqornaa sidatan

Madaxweynaha dawladda Puntland.

Markuu arkay:         Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:   Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.

Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magacaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu  Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.