Sawiro:Ciidamadda Soomaaliya Oo Gacanta kudhigay Xaruntii Ugu Weyneyd Ee Lagu Sameyn Jiray Waxyaabaha..

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Howlgal Ciidamada dowladda Soomaaliya kasameeyeen degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayaa Gacanta ku dhigeay Goob lagu Karin jiray waxyaabaha Maanka dooriya iyo Saddex ka mid ah dadkii karinayay iyo ganacsatadii loodiyaarinayay.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan Cabdi Fitaax Xaaji Nuur ayaa sheegay in Waaxda Nageyle ee degmada Kaaraan laga sameeyay howlgalka lagana helay Xaruntii ugu weyneyd ee lagu karin jiray Calaqa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay Goobta ka soo saareen Digsiyaal iyo Caagag lagu sameynayay Calaqa waxa uuna kusheegay Ragga ku howlanaa sameynta Calaqa kuwaas in ay qeyb ka ahaayeen kuwa dhibaatada ku hayay Shacabka degmada Kaaraan.

Howlgankaan ayaa waxa uu kadhacay xaafadda Nageyle iyo inta u dhaxeysa degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa iyo sidookale xaafaddaha Gubadleey ee duleedka degmada Kaaraan.

Howlgalka ayaa ku soo aaday xili shalay banaanbax cabasho ah ay dhigeen Shacabka degmada Kaaraan oo loga cabanayay ciidamada militariga soomaaliya oo dhibaato ugaysta ganacsatata dagmadaas.

Ugu dambeyn gudoomiyaha ayaa  sheegay in hwolgalkaan ay siiwadi doonaan ilaa iyo inta laga ciribtirayo Burcad uu sheegay in ay dhibaato weyn ku hayaan Shacabka degmada Kaaraan.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADDA 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com