Ra’iisul wasaare Kheyre oo amar ku bixiyay in la weeraro Taabit Cabdi maalinta xilwareejinta si loo xiro

Muqdisho (Caasimadda Online): Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa wali u muuqda mid doonaya inuu sii waddo qalalaasaha iyo xasilooni daradda siyaasadeed ee Dowladda Federaalka ah, Kheyre ayaa doonaya inuu ka hor taggo halista siyaasadeed ee ka imaan karta duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi.

Kheyre ayaa doonaya in xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir uu soo eedeeyo duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi kadibna loo jaro soo qabasho iyadoo laggu eedeynaayo Qaran Dumusnimo, waxaa la qorsheeyay in soo qabashadda Taabit iyo kuxigeenadiisa laggu aadiyo maalinta ay dhici doonto xil wareejinta gobalka Banaadir oo la filaayo iney dhacdo Talaadadda soo aadan.

Ilo laggu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Kheyre uu aaminsan yahay inuu Taabit fashilin karo Dowladiisa gaar ahaan heshiiyo la galay oo dalka aan dani uggu jirin, sidda foorarta ee Dowladdu u kala awood badan tahay, lacago laggu bixiyo dagaal hurin iyo bur burinta maamulo iyo xiriirka la qariyo ee Qatar iyo Dowladda Federaalka ah.

Taabit ayaa ahaa qofkii uggu dhowaa madaxweyne Farmaajo ololihii doorashadda iyo kadiba, waxaa la aaminsan yahay inuu ogyahay waxyaabo badan, sidoo kale wuxuu ahaa mid ka mid ah 4-ta nin ee taladda Dowladdu ka go’addo.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo agaasime kuxigeenka madaxtooyadda Cabdirisaaq Shoole waxaa la quman in Taabit laggu wareero guigga Dowladda Hoose oo ay xilwareejintu ka dhici doonto si looga bad baado in gurigiisa laggu wareero, madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegaya inuu arintaas ka cagajiidaayo inuu doonayo inuusan qalalaaso dambe dhicin, hadii ay dhacddo in gurigiisa laggu weeraro waxaa imaan karta iska caabin iyo dagaal madaama uu Taabit Cabdi lee yahay ciidamo sodomeeye gaaraya oo amaankiisa sugga.

Kheyre iyo Shoole oo horey u amray weerarkii lagu qaaday gurigga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa doonaya in ay madaxweyne Farmaajo markale dhiiqo lugaha u galiyaan xili aan wali xal lagga gaarin weerarkii laggu qaaday gurigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay 6 qof ku dhinteen.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com