Farmaajo iyo Taabit oo la filaayo iney caawa kulmaan xili Kheyre iyo Shoole ay rabaan in wax walba xoog laggu xaliyo

Muqdisho (Caasimadda Online): Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa la filaya iney caawa kulmaan markii uggu horeysay tan iyo xil ka qaadistii Taabit.

Sidda ay wararku sheegayaan shalay ilaa xalay waxaa socday wada hadalo iyo kulamo la isugu soo dhoweynaayo Farmaajo iyo Taabit oo ay dhex dhexaadinteeda wadeen wasiirka Amniga Isloow, xildhibaano iyo odayaal.

Farmaajo waxaa uu doonaya in Taabit iyo isaggu ay dib u wada shaqeeyaan madaama uusan khilaaf xoogan dhex oolin labadooda balse uu dagaalku dhex maray Taabit iyo xerta kale ee madaxtooyadda oo Ra’iisul wasaaruhu uu ku jiro, Farmaajo wuxuu wali dareensan yahay in Taabit uu muhiim u yahay siyaasadiisa iyo inuu abaal badan ku lee yahay madaama uu door xoogan kulahaa ololihisii doorashadda.

Sidda ay wararku sheegayaan Taabit ayaa aqbalay inuu madaxweynaha la kulmo uuna mar walba aaminsan yahay in madaxweynihiisu yahay qof wanaagsan, balse wali Taabit go’aan kama qaadan inuu dib ula shaqeeyo kooxdda Nabad iyo Nolol oo si foolxun xilka ugga qaaday ,sidoo kalana isku dayay iney sumcadiisa dhulka galiyaan.

Kulanka Taabit iyo Farmaajo ayaa imaanaya xili Ra’iisul wasaare Kheyre iyo agaasime kuxigeenka madaxtooyadda Cabdirisaaq Shoole ay qorsheyanayaan in Taabit la xiro iyagoo isticmalaya Xeer ilaalinta, Maxakamadaha iyo ciidamadda Nabad Sugida si loo soo afjaro sumcadda uu Taabit  ku dhex lee yahay bulshadda.

Waxaa dhici karta in kulanka Farmaajo iyo Taabit laggu soo afjaro buuqa ka dhashay xil ka qaadistii Taabit iyo caga jugleynta Ra’iisul wasaaraha ee ah in Taabit iyo kuxigeenadisii la xiri doonno.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com