Qasaaraha Kadhasahy Ciidamada Maamulka Jubbaland Oo Kismaayo Ku Rasaaseeyay Dad Banaanbax Dhigayay

Kismaayo-(Caasimadda Online)-wararka lagahelayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka  Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi  ay rasaas ooda kaga qaadeen dad ku banaanbaxayay Gudaha Magaalada Kismaayo.

Dadka ayaa lasheegay in ay kabanaan baxayeen burburin lagu haayay Guryo ay ka degan yihiin oo ku yaalla Xaafada Daad Yaanbo ee magaalada Kismaayo rasaastas ayaa waxaa ay sababtay khasaaro dhaawac u badanaa.

ilaahada waxaa laxaqiijiyay in ay  Saddex Ruux ku dhaawacmeen rasaasta ay fureen ciidamada maamulka Jubbaland kuwaas oo ka mid ahaa dadka banaanbaxa dhigayay.

waxaa dagan xaaladda deganka ay rasaasayntu kadhacay walow aysan weli arrintaan ka hadlin Maamulka Magaalada Kismaayo iyada oo la burburiyay Guryaha qaar ay dadkaasi deganaayen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com