Sawirro:- Akhriso liiska dhaawacyadii Zoobe ee maanta laga keenay dalka Turkiga + Magacyo

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray qaar kamid ah dhaawacyadii lagu dabiibaayay dalka Turkiga ee waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii 14tii October ka dhacay isgooyska Zoobe.

Dhaawacyada la keenay magaalada Muqdisho oo tiro ahaan dhan 9 ruux ayaa waxaa ku jira carruur yaryar kuwaa oo lagu soo dabiibay magaalada Ankara.

Dib usoo celinta dhaawacyadan ayaa waxaa iska kaashaday Safaarada Somalia ee Turkiga iyo Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.

Dhaawacyada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Akara kasoo sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Somalia ee Turkiga, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga, Jaaliyadda Somalia ee dalkaasi iyo Ardayda waxka barata dalka Turkiga.

HOOS KA AKHRISO LIISKA DHAAWACYADA LAGU SOO CELSHAY MUQDISHO

1-Hussein Hassan Ahmed.

2-Samira Sheikh Mohamed

3-Adam Muse Hassan.

4-Alas Elmi Qobey.

5-Mumtaz Hassan Ali.

6-Abdalla Omar Mayew

7-Bille Adan Farah

8-Said Abdi Jeele

9-Ali Diriye Farah.