Sawirro: Sh. Umul iyo ganacsato reer Kenya oo Kismaayo ka hirgelinaayo xaafad casri ah

Kismaayo (Caasimada Online)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafad cusub oo laga hirgalinayo gudaha magaalada Kismaayo.

Xaafadan oo loo bixiyay Bilan ayaa ka koobnaan doonanta guryo caadi ah oo la dago, suuqyo, goobo waxbarasho iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah deegaanka.

Ganacsato uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umul ayaa ka hirgeliyay magaalada Kismaayo, waxaana u badan ganacsato Soomaaliyeed oo reer Kenya ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Xaafadan ay qayb ka qaadanayso dib u dhiska Magaalada iyo koboceeda isagoo ugu baaqay qurba joogtu in ay dalka maalgashadaan.

” Xaafadan oo kale qurba joogta dibada kasoo laabanaysa haka faa’iidaystaan oo haku daydaan dib u dhiska dalku inaga ayuu ina sugayaa” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Cid walba oo dhismaha Xaafadan ka qayb qaadanaysa ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax ka wanaagsan in dalka la maalgashado oo ah hanti raasamaal ah.