Taabit Cabdi iyo kuxigeenadiisii oo lagga mamnuucay iney ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online): Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa warqad lagga dhigay gudoomioyihii hore ee gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo qaar ka mid ah kuxigeenadiisa kuwaas oo aan in muddo ah ka dhoofi karin Muqdisho.

Xaaji Ereg oo ahaa gudoomiye kuxigeenkii Arimaha Bulshadda ee gobalka Banaadir ayaa maanta loo diiday inuu u dhaafo magaaladda Nairobi oo uu arimo caafimaad u tagi lahaa sidda ay sheegayaan ilo aad looggu kalsoon yahay.

Xaaji Ereg ayaa loo sheegay in isagga ,gudoomiye Taabit Cabdi , Xoghayihii gobalka Subeyda Muqtaar iyo gudoomiyaal degmo la amray in aaney ka bixi karin Muqdisho ,waxaa amarkaas bixiyay Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre.

Dhaqanka ah in qof walba oo ay is qabtaan Villa Somalia lagga mamnuuco inuu dhoofo ayaa sii xogeysanaya marba marka ka dambeysa ,dhaqan siyaasadeedkan ayaa curdun ku ah siyaasadda Somalia.

Xayiraadda la saaray madaxdii hore ee gobalka Banaadir ayaa imaanaya iyadoo ay maanta soo baxeen warar sheegaya in la rabbo in la xiro Taabit Cabdi ,Kuxigaanadisii iyo qaar ka mid ah gudoomiyasha degmooyinka gobalka Banaadir.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com