Qarax lagu aasay agagaarka Villa Somalia oo la fashiliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa qarxiyey miino lagu aasay, halka loo yaqaano Shabelle oo ku dhow afaafka hore waddada laga galo Madaxtooyada dhanka taalada Xaawo-Taako ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Muqdisho ayaa waxaa fashiliyey ciidamo ka tirsan kuwa Booliska.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada ayaa ka hor miinada inta aysan qarxin waddada xiray, sidoo kalena ka fogeeyey dadkii ka agdhowaa halkaasi.

Waddada qaraxa lagu aasay oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa inta badan isticmaala madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale ammaanka waddadan ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo uu ku yaallo barkoontarool oo laga ilaaliyo dhismaha Villa Soomaaliya.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga ee dowladda oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa hadda si caadi ku soo laabatay, waxaana dib u furmay dhaq dhaqaaqa waddadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com