Qarax lala beegsaday wasiir oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Taleex iyo Xaaji-Baasto.

Qaraxa ayaa ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana lala eegtay gaariga wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Cabdinaasir Saciid Muuse oo halkaas marayey.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirku uusan la socon gaariga xilliga qaraxaas lala beegsaday, hase yeeshee hal ruux ayaa ku geeriyooday saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Qofka qaraxa ku dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Ilyaas Cabdikariin.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo qaraxana uu dhacay goob mashquul badan oo dad badan ay ku sugnaayeen.

Qaraxyada miinooyinka dhulka lagu aaso ka dhasha ayaa mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayaa weerar ismiidaamin ah waxaa lala beegsaday gaari uu saarnaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage isagoo taliyaha uu ka badbaaday.

Mudooyinkii dambe Muqdisho waxaa ku soo batay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda, kuwaas oo intooda badan lala fiirsado gaadiidka dowladda, waxaana xusid mudan in khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka shacabka ah.