UK oo soo saartay digniin ka dhan ah Soomaaliya, balse ay ka reebtay Somaliland

London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa markale ku celisay digniintii safarka ee Soomaaliya, iyada oo ka reebtay deegaano ka tirsan Somaliland, midaasi oo ay ku sheegtay qoraal ku socday muwaadiniinteeda.

Xafiiska Arimaha Dibada ee Ingiriiska ayaa shaaciyey inay markale dowladdoodu ay dib u cusbooneysiisay xayiraadihii safarka ee ay ku joojisay in muwaadiniinteedu ay tagaan gudaha Soomaaliya.

UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay tagista Soomaaliya, oo ay ku sheegtay in weli ay ka taagan tahay qatartii ay hore uga joojisay inay ugu safraan, taasi oo aheyd saddex sanno ka hor.

Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay weeraro argagixiso wajaheyso, taasi oo halis ku ah amniga muwaadiniinta UK, oo dowladdu ay sheegtay inay mas’uul ka tahay.

“Argaggixisada waxay u badan tahay inay isku dayaan inay weerarro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, iyadoo ay jirto qatar sare oo afduub oo dalka oo dhan ah” ayaa lagu yiri qoraalkaasi Xafiiska Arimaha Dibada ee UK.

Waxaana ugu dambeyntii qoraalkaasi lagu sheegay in muwaadiniinteeda u safraya Hargeysa iyo Berbera, ay muujiyaan feejignaan dheeriya, midaasi oo ka dhigaysa in xanibaada safarka muwaadiniinteeda ee Soomaaliya aysan ku jirin Somaliland.

Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa amni ahaan ka fiican gobolada kale, taasi oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay kala saarista dadban ee uu Ingiriisku sameeyay.

Xanibaada safarada muwaadiniinta UK ee ku aadan gudaha Soomaaliya ayaa soo socotay sanadihii u dambeeyay, iyada oo Ingiriisku uu sanad walba dib u cusbooneysiiyo, isagoona ka boorinayey muwaadiniintiisa u safrida dalkeena.