Maxaa Dhuusamareeb ka socda caawa kadib tegistii madaxweyne FARMAAJO?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaa caawa ku wada sugan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, sida Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Kadib markii uu gelinkii dambe ee maanta magaalada Dhuusamareeb gaaray Madaxweyne Farmaajo, waxaa soo dhaweeyey xubno ay hor ka cayeen Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Maadaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa markii ay garoonka ka baxeen toos u aaday guriga Gobolka oo la dejiyey Madaxweynaha, waxayna halkaas ku yeesheen kulan ay albaabadu u xiranyihiin.

Illaa hada kulankii u bilaawday madaxdan, soo dhaweyntii madaxweynaha kadib ayaa weli u socda, waxaana faahfaain dheeraad ah laga heynin waxyaabaha ay ku gor feynayaan kulankooda.

Waxaa xusid mudan in kulankaan ay ka maqanyihiin madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo caawa ku kala sugan magaalooyinka Cadaado iyo Garowe.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado, halkaas oo caawa uu ku hoyanayo, halka madaxweyne Puntland Saciid Deni uusan weli ka soo bixin Garowe.

Labadan madaxweyne ee dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa la sheegayaa inay ka cusleysteen ka qeyb galka  soo dhaweynta madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu wadaa in berrito ay soo gaaraan Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb saacadaha nasoo aaddan waxaa la filayaa in uu ka furmo wajiga labaad ee shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxaana shirkaas lagu lafa-gurayaa arrimaha ku geedaaman geedi-socodka siyaasadda dalka oo ay ugu horeyso doorashada soo socota ee 2020-2021.