Villa Somalia oo shaacisay ‘cidda guddoomin’ doonta shirka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caawa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu guddoomin doono shirka madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee ka furmaya Dhuusamareeb, xilli uu muran ka taagnaa arrintan.

Qoraal ay Villa Somalia kasoo saartay tegitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomin doona shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.”

Hadalka kasoo baxay Villa Somalia ayaa imanaya ayada oo Galmudug ay horey ugu gacan seertay dalab ka yimid Villa Somalia oo ahaa in shirka hoggaamintiisa lagu soo wareejiyo madaxweynaha, mana cadda waxa isbedelay.

Galmudug ayaa horey ku dooday in qaar ka mid ah maamullada dalka, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland ay xasaasiyad ka qabaan Villa Somalia, taasina ay ahayd sababtii markii hore keentay in shirka Galmudug ay mart-geliso, sidaas darteed aysan waxba ka beddeli karin martigelinta shirka.

“Annaga waan caddeynay, haddii madaxweynaha lagu qanacsan yahay markii horeba shirka laguma qabteyn Dhuusamareeb, ee waxaa la tagi lahaa Muqdisho, marka ma dhici karto inaan taas aqbalno,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyada Galmudug oo codsaday inaan la magacaabin.

Si kastaba, maalinta berri ee shirka uu si rasmi ah u furmi doono ayey kala caddaan doontaa cidda hoggaamineyso madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.