Shaqaalaha malaamileyda ee Gobalka Banaadir oo wajahaya halis aad u weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Waddooyin ay biyo dhax-ceegaagaan, goobo ay dhax-buuxaan qashin nuucyo kala duwan isugu jira iyo laamiyo ay karkaarada jabeen ayaa gacmaha ku xaaqayaan Haweenka iyo Wiilasha ka diiwaan gashan gobalka Banaadir ee loo yaqaano Malaamileyda.

Xiliyada qaar waxay la kulmaan xaalado halis oo ah in qaarkood la dumaan laamiyada qaar oo ay biyo maasheeyeen. Sidoo kale waxay howshaan ku jiraan iyada uu socdo roob xoogleh ugu yaraan saacadiiba mar ama laba gudaha magaalada Muqdisho.

Shaqaalahan ma heestaan qalab ay shaqada ku qabtaan markii laga reebo Iskoobo, Badiil iyo Qashin Gure, kuwaas oo aan waxba ka gelin qashinka biyaha soo qaaday ee Fadhiya Laamiyada Muhiimka ah ee Muqdisho.

“Waxaan dalbanay in nala fasaxo inta roobka ka istaagayo ama waddooyinka laga saarayo Biyaha fadhiya waana noola diiday, maxaan xaaqnaa hadda halkaan eeg, qashin iyo carro ayaa ku dhagan yaa ka fujin kara,” ayey Caasimada Online u sheegtay haweeney ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar.

Xaaladahaan ayaa la sheegay in dadka ku shaqeeya ay halis badan ku jiraan islamarkaana ay qaadi karaan biyaha socda, ama ay dhaawacyo ka soo gaari karaan Gacmaha maadaama aysan heysan qalab wanaagsan.