Waddooyinka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo nadaafad darro u go’an

Muqdisho (Caasimada Online) – Waddada KM4 ee aada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa xiran muddo todobaad ah kadib markii ay buux dhaafiyeen biyo wasaqeysan oo ka dhashay roobab xoog leh oo ka da’aya magaalada iyo qaar kamid ah gobalada kale ee Dalka.

Laga soo bilaabo Kontaroolka Ciidamada NISA ee laga ilaaliyo garoonka ilaa guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa gooyay biyo wasaqeysan. Sidoo kale waxaa halkaas ku istaagay shaqada Shirkadda SAHAL oo xarun ku laheyd halka ay biyaha fariisteen.

In waddada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho iyo shaqada garoonka diyaaradaha ay muddo Todobaad ah u go’naato biyo wasaqeysan oo fadhiya ayaa muujineysa dhibaatooyinka nadaafad darro ee ka jira magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Biyaha iyo Nadaafad darrada Muqdisho ayaa gooyay muddo maalmo ah wadada kale ee laga galo Airport-ka Muqdisho ee ku dhaw Xerada Afisyooni ee Ciidamada Cirka Soomaaliya.

Biyahaan ayaa gooyay Al-baabka Xerada Ciidamada Cirka ilaa agagaarka Iskuulka Gen Kaahiye ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Qofkii raba inuu ka baxo ama ka soo daga Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ku qasban inuu soo galo safar dheer oo dhanka degmada Waabari ah kana timaada KM4 iyo goobo ay buuxaan biyo halisyo amni oo badan leh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid ah dadka maanta ka baxay Garoonka Muqdisho oo ay ka jiraan dhibaatooyinka aan soo sheegnay waxaana khubarada amnigu sheegeen in laga haboonaa in waddo la dhaxmarayo biyo iyo wasaq tira badan in lagu safriyo Madaxweynaha Soomaaliya.