Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay nawaaxiga isgoyska Xaafadda Maana-boolyo dhinaca degmada Boondheere ee gobalka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la xaqiijiyay in Gaariga loogu xiray mid kamid ah Saraakiisha ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sargaalka Qaraxa loogu xiray gaariga ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Abuu-shiine ayaa xiligaa kusii jeeday shaqadiisa Garoonka.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 2 ruux oo shacab ah oo mid kamid ah uu dhaawiciisu yahay mid halis ah.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana la sheegay in ay halkaasi u xeran tahay oo laga joojiyay Gaadiidka iyo dadka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa asbuucyadan kusoo badanaaya dilalka iyo Qaraxyada lagu ugaarsanaayo shaqaalaha dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com