Qaraxa Muqdishu ka dhacay waxaa loola jeeday in lagu laayo shacabka Soomaaliyeed 

Waxaa ka socda baraha bulshadda   ee dalka Qatar iyo qaar ka mid ah warbaahinta Qatar in qaraxii ka dhacay magaaladda Muqadishu loola dan lahaa safaaradda Qatar iyo xarunta warbaahinta ee Al Jaziira.

Qaraxii  ka dhacay Magaalada Muqadishu waxaa loogu talagay in lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed.  Dhibataddi ka dhalatay waxa uu gaaray aqal kastaa oo ku yaalo Magaaladda Muqadishu.  Hadaba waxaa wax laga xumaado ah in la siyaasadeeyo dhibkii ka dhacay magaalada Muqadishu.  Wararakaas been abuurka ah waxa uu sii kordhinayaa xanuunka dadkii ay ehaladoodu ku geeriyoodeen qaraxaas.

Xiligaan dhibka la soo darsay Shacabka Soomaaliyeed, waxa ay umadda Soomaaliyeed u baahan yihiin gargaar, gaar ahaan dadka dhaawaca ah. Soomaliya waa ay ogaan doontaa kooxaha  ka danbeeysay qaraxaas iyo cida taagertay markaas ayaa lala xisaabtami doonaa.