DF oo wada qorsho lagu kala badbaadinayo rayidka iyo qaraxyada xamuulka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Dhexe ee Somalia ayaa wada qorsho magaalada Muqdisho looga mamnuucayo dhammaan gaadiidka weyn ee xiliyada maalintii isticmaala waddooyinka magaalada.

Qorshaha socda oo uu hogaaminaayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu doonayaa in wakhti gaara lasiiyo gaadiidka waaweyn ee xamuulka ah.

Mas’uuul ka tirsan maamulka Gobolka ayaa inoo xaqiijiyay in qorshaha la doonaayo uu yahay in Gaadiidka waaweyn ay socon karaan wixii ka danbeeya Shan saac oo habeenimo ilaa Toban iyo laba saac oo subaxnimo.

Waxa uu mas’uulkan sheegay in sababta waddooyinka Muqdisho looga mamnuucayo gaadiidka ay tahay in xiliyada subixii ilaa habeenkii ay waddooyinka yihiin kuwo saxmad badan.

Waxa uu intaa raaciyay in gaadiidka waaweyn ay ka khasaaro badan yihiin kuwa yaryar ee lagu xiro Qaraxyada, sidaa aawgeed ay u mamnuuci doonaan.

Magaalada Muqdisho oo aan weli ka dhaqan galin sharciyada isticmaalka waddooyinka, ayaa waxaa habeen iyo maalin si siman waddooyinka u isticmaala gaadiidka xamuulka iyo kuwa raaxada ee yaryar.

Geesta kale, maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhaqan galin doona sharciga xiliyada maalintii lagu mamnuucaayo gaadiidka waaweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com