Sawirro: Kheyre oo kormeeray howlgalka gurmad ee ka socda goobtii qaraxu Ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xalay kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee 14ka bishan October 2017. Wuuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Dhinaca kale, dowladda Federaalka ayaa warbixintii u dambaysay ka soo saartay dadkii ku geeriyooday qaraxii Muqdisho, waxayna xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxaasi ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey.