Qaraxyo culus oo ka dhacay Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online)– Warka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Qaraxyo kala duwan laga maqlaayay gudaha Aqalka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maamulka KMG ah ee Jubba Cabdi Xuseen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Qaraxyada uu ahaa mid lagu xiray guriga  Wasiir ku-xigeenka, waxaana mar qura la maqlay Qaraxyo kali kali u dhacaayay islamarkaana Cuslaa.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa inoo suuragalin inaan helno xogta dhabta ah ee ku aadan Qaraxaasi, waxaana la soo sheegaya in halkaasi ay iminka ka socdaan baaritaano lagu xaqiijinaayo qaraxyada.

Dhanka kale, waxan jirin wax war ah oo ku aadan qaraxyadaasi oo ka soo baxay Masuuliyiinta Maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana halkaasi laga daad gureynayaa Ehelka Wasiir ku-xigeenka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com