USA oo aqoonsatay ciidaha islaamka

Minneapolis (Caasimada Online) – Iyadoo dhowr cisho uun ay ka harsan tahay ciidda soon fur ayaa dowladda Maraykanka waxay si rasmi ah u aqoonsatay maalmaha ciidda muslimiinta.

Imaamka Masjidka Daarul Hijra, Sheekh Cabdiraxmaan Shariif kana mid ah guddi ay lee yihiin Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis ayaa VOA-da a u sheegay in kulan ay la qaateen duqa Minneapolis ay si rasmi u aqoonsatay labada ciidood ay Islaamka uu lee yahay, iyadoona sheegtay in maalmahaas ay fasax yihiin.

Wuxuu sheegay kulankaas oo ay ka qeybgaleen aqoonyahano, wax garad, dhallinyaro, iyo qeybaha kala duwan bulshadda oo ay ku jiraan dumar in ay duqa Minneapolis in ay aad ugu faraxsan tahay la kulanka Soomaalida ku dhaqan Minneapolis oo ah kuwa ugu badan ee ku nool dalkan Maraykanka

Shariif ayaa daboolka ka qaaday kulankan in uu billow u yahay xiriir dhex mara Maayarka Minneapolis iyo Soomaalida ku dhaqan magaaladan, isagoona intaas ku daray in uu ku rajo weyn yahay in ay ku daydaan magaalooyinka kale ee ku yaalla dalkan Maraykanka.

Wuxuu tilmaamay in duqa Minnapulis ay ka dhabeysay ballan qaadkii ay jeediyay markii ay doorashada ka qeybgaleysay taasoo xustay in si dhow ay ula shaqeen doonto Soomaalida ku dhaqan gobalka Minnesota.

Ugu dambeyn Imaamka masjidka Daarul Hijra ayaa sheegay in dadkii ka qeybgaley kulanka ay la yeesheen maayarka Minneapolis ay soo dhaweeyeen isla markaana ay ku farxeen tallaabada ay qaadatay.

Gobalka Minnesota waa gobalka ay ku nool yihiin Soomaalida ku dhaqan dalka Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com