28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Ciidamada Ethiopia oo jidka loo galay kadibna…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degaanka Leego ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qaraxyo iyo Dagaal xoogan oo dhaliyay Khasaaro kala duwan.

Qaraxyada oo inta badan ahaa kuwo laga maqlaayay Deegaanka ayaa waxaa lala bartilmaameystay Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia oo ka howlgala Gobolkaasi.

Qaraxyada ayaa ka dhacay duleedka Degaanka Leego xili ay Ciidamadaasi ku sii jeeden fariisin ay ku leeyihiin Degaankaasi.

Qaraxyada kadib ayay Ciidamada Ethiopia ooda ka qaaden Rasaas xoogan oo ay ku fureen dad shacab ahaa oo goobta ka agdhawaa, kuwaasi oo qaarkood uu dhaawac kasoo gaaray rasaasta.

Sidoo kale, Qaraxa kadib ayay Ciidamadu la kulmeen Dagaal muddo kooban socday oo ay la galeen Kooxo ku hubeysnaa qoryaha garabka iyo kuwa fudud, iyaga oo Dagaal yar un kadib halkaasi isaga cararay.

Dadka Deegaanka ayaa kusoo waramaaya in Qaraxyada dhacay ay Ciidamada Ethiopia uga dhaawacmeen ilaa 4 kamid ahaa Askartii la soctay kolonyada la qarxiyay, waxaana sidoo kale rasaasta ku dhaawacmay ilaa 2 ruux oo shacab ahaa.

Dhanka kale, weerarkaasi ayaa imaanaya xili maalmihii ugu danbeeyay G/Sh/Hoose ay ka dhacayeen Qaraxyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News