Cadaado (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 3 askari ayaa ku dhaawacantay kuwo kalana wey ku dhinteen kadib dagaal ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, dagaalkaasi oo muddo saacado socdayv
Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowlada ayaa bilowday kadib markiii ciidamada dowlada ay isku qabteen qeybinta musharaad loo qeybinayay ciidamada dowlada ka tirsan.
Qasaaraha dagaalka ayaanan la ogeyn ilaa iyo hadda, waxaana ciidamada dagaalamay kala dhex galay ciidamo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
Ma jiro masuul ka tirsan maamulka degmada Cadaado oo ka hadlay dagaalka.
Dagaalka ayaa bilowgiisa ka dhacay duleedka magaalada gaar ahaan fariisin ciidamo ka tirsan guuratada 21 ay ku lahaayeen duleedka degmada Cadaado.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haataan dagaalka uu joogsaday kadib markii ciidamada ay kala dhex galeen.
Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

