Qaraxyo ka dhacay hooyga mid kamid ah mas’uuliyiinta Degmooyinka G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxyo xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir kaasi oo lagu weeraray hooyga Xoghayaha Degmada Kaxda oo ku yaalla Degmada Dharkeenley.

Qaraxyada ayaa ka dhashay Bam gacmeedyo lagu tuuray Hooyga, waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxyadaasi ay ka dhasheen Khasaaro aad u farabadan.

Xoghayaha la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Xaawo Luul Nuur Maxamed mana jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta khasaaraha soo gaaray Xaawo luul.

Maamulka Degmada Dharkenley ayaa sheegay in Qaraxyadaasi ay jiraan balse aysan warbaahinta uga xog warami karin Khasaaraha Qaraxyada ka dhashay.

Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Xalay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ay ku Dileen Ruux Shacab ahaa.

Meydka Ruuxa ayaa loo qaaday Saldhiga Booliska Degmadaasi si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, sidaasi waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan Booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com