Doorasho degmo ku salaysan waa dulmi go’ lagu daday (Caddeyn: Woqooyi Galbeed vs Nugaal)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Waxaa maalmahan danbe hadalhaynta iyo doodaha ugu badan ka taagnayd sidii nooc doorasho laysku raacsanayahay uga qabsoomi lahayd wadanka Somalia, marka uu dhammaado mudo xileedka xukumadan hada jirta oo ku eeg sannadka aynu gali rabno ee 2016. Inkastoo hadaba aanay wali jirin wax rasmiya oo laysku raacay ilaa hada, layskuna mari waayay qaabka ay noqonayso nooca doorasho u wada cuntanta Ummada Somaliyeed oo looga guuro hanaanka uu hada ku dhisayay golaha wakiilada Somaliyeed ee 4.5, loona balamay shir danbe oo ka dhaca Kismaayo si laysugu dayo in meel laysugu keeno aragtiyaha siyaasadeed ee ay kala qabaan siyaasiyiinta Somalidu. Labo aragtiyood ayuun baanay ila hada jilaayaasha Siyaasada Somaliya ay doodoodu ku socotaa midkii la qaadan lahaa. Mid waa aragtida ah in wax lagu qaybsado hanaanka hada jira ee 4.5, mida kalena waa aragtida dhahaysa in doorashada soo socota ee baarlamaaniga ah lagu saleeyo 92 degmo ee Somalia ka koobnayd wixii ka horeeyay burburkii dalka 1991.

Qormadan aan maanta aan qalinka u qaatayna waxaan ku cabirayaa rayigayga ku saabsan bal wixii aniga ila tahay iyo talo ka dhiibashada sidii loo heli lahaa hanaan xaqsoor cadliya oo ummada Somaliyeed wax ku qaybsato tiyoon cid, qabiil iyo gobolo gaara la aasin xuquuqdooda xaasaasiga ah.

Sida ku cad ciwaanka qormadana waxaan ka dhan ahay aragtida ah in lagu soo doorto xubnaha matalaya golaha shacabka Somaliyeed habka degmooyinkii jiray 1991. Waayo waxaan qabaa inuu yahay qaabkani mid aan ahayn waaqaci cadaaladuna ay ku yartahay oo sababi kara burbur horleh oo ku yimaada Yabyabkii raadinta riyadii qaran Somaliyeed la wadaago oo loo dhan yahay.

In wax lagu soo xulo xubnaha wakiilada Somalia qaabka ku salaysan degmooyinkii jiray 1991 waa khayaano iyo dhac cadaan ah, sad bursiimana siinaya cido gaar ah isla markaana dulminaysaa xuquuqda ummad Somaliyeed oo Malaayin ka badan.

Sababahan soo socda ayaan u daliishanyaa si aan u muujiyo sida ay cadaalada daro badani uga muuqato hanaanka doorasho ku salaysan degmooyin:

  1. Ugu horayn degmooyinkii jiri jiray 1991 sidii loo deganaa cidina hada uma degena oo waxaa ku yimi isbedelo waa wayn oo ay keeneen dagaaladii iyo burburkii dalka ka dhacay (Tremendous population change due to inter-clan conflicts). Tusaale ahaan Degmooyinka magaalada Xamar waxay ahayd wixii 1991 kii ka horaysay degmo Somali oo dhani wada degentay oo aanay cid gaari lahayn, halka manta ka tahay magaalo uu qabiil gaar ah u soo hadhay. Waxay noqonaysaa markaa hadii lagu salaynayo degmooyinkii xiligaa jiray dee waa in markaa Xamar ka soo baxaan dakii 1991 deganaa ee aanay noqon kaliya xubnaha ka laga soo dooranayaa kuwa haatan degan 2016.

Intaasi waxaa dheer degmooyin iyo gobolo badan ayaa dadkii lahaa intaa laga baro kiciyay qabiilo aan degaan u lahaan jirin 1991 iyo wixii ka horeeyay ay hada xoog ku deegaamaysteen oo ay hada sheeganayaan, sida tan hada ka socota dhulka Shabeelada hoose oo ilaa manta ay colaado salka ku haya arrimahani ay ka taaganyiin. Dhanka kale degmooyin barigaa camiraa ayaa iyana laga guuray qaar tuulooyin ahaana maanta waxay ka shacab badanyiin caasimad goboleedyo iyadoo loo kale guur gudaha ah (migration between regions) dadka iyo dalkuna ma ah midkii shalay ee waa mid ka duwan gabi ahaanba waayahii iyo wacyigii 1991.

  1. Degaanada Somalia baaxad ahaan, shacaab ahaan, dhaqaale iyo cudud bulshaba maaha kuwa isku dhigma, waxaana u dhexeyaa faraq muuqda oo aan cidina dafiri Karin. Tusaale fudud hadaan soo qaato aniga oo raacaya tiro koobkii ugu danbeeyay uguna dhaw qiyaasta runta ah ee tirada shacabka Somaliyeed ee ku kala nool gobolada dalka ee ay haayada qaramada midoobay ee UNIDOS samaysay. Waloow ay jiraan maamulo saluug ka muujiyay tira koobkan oo ay ka mid yihiin Somaliland iyo Puntland hadana waxaan qabaa inuu uu yahay ka ugu dhow xaqiiqda ee laga duuli karo maadama ay soo saartay haayad caalamiya oo ayna wax saamayn ah ku lahayn maamulada iska soo horjeeda ee Somalidu. Tirakoobkan oo ah runtii mid aan cid gaara dhinaca saarayn lagana sahamiyay xaga hawada waxaa uu sheegayaa in wadanka Somaliya ay ku noolyiin qiyaas ahaan 12,316,895. Waxaan u soo qaatay tirokoobkan si aan idiinku tuso qaabka cadaalada ka fog ee nidaamka doorasho ku salaysan 92 kii degmo ee jiray 1991 uu ku salaysanyahay.

Hadii la raaco habka doorasho degmo ku salaysan waxaa tiro isku mid ah helayaa gobolka labaad ee Somalia ugu dadka badan oo ah waqooyi galbeed oo ay ku noolyiin sida tiro koobku sheegayo dad dhan 1,242,003 qof iyo gobolka Nugaal ah oo ah gobolka 2aad ee ugu dadka yar Somalia oo ay ku noolyiin 392,698. Bal qiyaas heerka ay leegtay xaqdarada iyo khayaanada ku duugan nidaamka doorasho ku salaysan degmooyin ee dadka qaar ku doodayaan inuu yahay wax Somalia u wanaagsan iyagoo kaliya u arkay uun inuu yahay hab Somalida kale ay kaga sad bursan karaan. Hadii aad 1,242,003- ka jarto 392,698= 849,205.

Si kale hadaan u dhigno bal waxaan is barbar dhigaynaa cududa bulshada Somaliyeed ee ku kala nool 5 gobol iyo 4 gobol oo kala ah sidan: Gobolada W/galbeed, Awdal, Togdheer, Sanaag iyo Sool Vs Gobolada Banaadir, Mudug, Bari iyo Nugaal.

Tirada guud ee dadka Somalia waa 12,316,895.

Tiro wadareedka dadka gobolada AWDAL, W/GALBEED, TOGDHEER, SANAAG IYO SOOL waa 3,508,180 una dhiganta 28.48% bulshada Somalia ku nool hada

Wadarta tirade guud ee shacabka gobolada; BANAADIR, BARI, MUDUG IYO NUGAALna waa 3,480,300 una dhiganta 28.25%.

Iyadoo sida aan aragno ay is leegyiin dadyawga ku dhaqan goboladaas ayaa hadana waxa dhacaysaa hadii nidaamka degmada wax lagu soo doorto in gobolada BANAADIR, BARI, MUDUG IYO NUGAAL ay heli karaan seddex jibaar dhigooda AWDAL, W/GALBEED, TOGDHEER, SANAAG IYO SOOL. Waxaa xusuus mudan qolooyinka ku doodaya habka degmooyinka in ay yihiin dadka deegaan ahaan ka soo jeeda 4 gobol ee Banaadir, Bari, Mudug iyo Nugaal. Sababta ay ugu dheganyiina way muuqataa oo waxuu siinayaa sadbursi aad u wayn oo qayb libaax ah. Danaha qabiilooyinkooda ayuun baanay ka dhex arkaane ma ah arintu sida ay u dhigayaan ee ah sidiyoo inta qabiilkii laga guurayo nidaam ka wanaagsan loo guurayo. Haa, runtii way fiicnaan lahayd hadii inta laga guuro habka qabaliga ah in looga guuro nidaam ka wanaagsan oo dadka Somaliyeed u simanyiin, balse qorshan hada la wadaa ma ah mid dhib mooye dheef laga helayo.

Markaa waxaa halkaa kaaga cadaanaysa in ummad milyanka ka badan ayna helayn cid u matasha golaha shacabka Somaliyeed. Arrintaasina waa takoor cad iyo kala saraysiin shacabka Somaliyeed oo ay ragaadisay darisna la noqday cadaalad xumo iyo kala saraysiin shacab isku mid ah oo aan aduunyada kale ka jirin.

  1. Dood kalena waxay tahay degmooyinkan la leeyay wax halagu qaybsado marka horeba may samaynin dawlad xalaal ah oo shacab Somaliyeed soo doorteen ee waxaa sameeyay xukumad iyaduba ku timid qayrul sharci isla markaasna ahayd hooyadii dhashay qabyaalada iyo kala jecleysiga dadka Somaliyeed, aakhirkiina ay anu wada ogsoonay waxay dhaxalsiisyay wadankii la odhan jiray Somalia. Raacida duruustii uu dhigay dulmiyahii daraadiis uu wadanku u dumay ee Somali kala dirayna Iyana waa wax aan haboonayn.

Maxay Hadaba Keeni kartaa hadii la qaato nidaamkan dulmiga ku salaysan?

  1. Waxaa dhici doonta in ay bilaabmaan dagaalo hor leh oo ku salaysan degaan kala riixasho iyo kala sheegasho dhul la wada degenaa iyadoo qabiil kastaa doonayo inuu isagu noqdo cida ka soo baxaysaa degmadaas. ifafaaleheeduna waaba ka had ka soo muuqanaya qaybo ka mida dalka sida Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Hoose.
  2. Waxaa kale oo ay keeni doontaa in ay sii fogaadaan gobolo Somaliyeed oo marka horeba cadaalad daro tirsanay sida Somaliland oo ay tani si toosa fariin cad oo farwaayn ku dhigan ugu sheegayso “Somalia waxba laydinkama ogola ee halkiina naga jooga” .
  3. Waxaa kale oo dhici karta in qaar markii hore ogolaa midnimada Somaliyeed ayba ku dhiiradaan in ay ku dhawaaqaan in ay ka baxeen midnimadii Somaliya ka dib marka ay iska dhex waayaan metelaada qaranka.
  4. Waxaa kale oo ay keenaysaa in Somaliya markii ugu horaysay ay noqoto wadan ay iska sheegtaan dhowr jilib oo dadka intiisii kalna ay marti iyaga uga noqdaan talada dalka halkaana ay god dheer ku sii dhacdo helitaanka qaran Somaliyeed oo loo siman yahay.
  5. Beelaha laga tirade badan yay ayaa Iyana waayi doona xuquuqdooda oo marki horeba aan helin xaqsoor hufan, maadama ay magaalo kasta Somalia ay joogaan, balse ayna lahayn degmooyin ay si gaara uga taliyaan.

Gebogebo iyo Talo soo jeedin

Hadii hadaba la doonayo la sii wada jooga lagana midho dhaliyo raadinta riyada ah in la helo qaran Somaliyeed oo Sinaan iyo Cadaalad ku dhisan iima muuqato wakhti xaadirkan wax lagu bedelen karo nidaamka hada uu ku dhisanyay goloha shacabka Somaliyeed ee 4.5 oo runtii ah ka kaliya ee xaqsoor cadliya ugu dhaw inta laga helayo doorasho xalaal oo nin iyo codkiis ah (one man one vote), taasi oo dalka oo dhan si sugan uga wada dhacda. Hadii taa la waayo oo la qaato midan dadka qaar ku doodayaan ee habka deegaanka, waa in loo eegaa tirada dadka iyo tayada ay degmo ama gobol leeyay oo dabeetana celceliska dadka wax loogu qaybiyaa si loo damaanad qaado helitaanka xuquuq siman. Inta aanay taasi jirin anigu waxaan qabaa Habka 4.5 waa ka kaliya ee Caddaalad ugu dhaw oo cidkasta iyo qabiil kasta oo Somaliyeed u damaanad qaadi kara in ay helaan xuquuqdooda aasaasiga.

By Mohamed Garas ( Xaqiiq Raadshe)

xaqiiqraadis@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com