Qaraxyo laga helay Villa Rays iyo booliska oo shaaca ka qaaday arrin uu sameynayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maalintii labaad howlgal amni xaqiijin ah ka wada dhismihii la weeraray ee hoteelka Villa Rays, kaas oo ay habeen gudaha u galeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha hoteelka laga helay haraadiga qaraxyo ay wateen raggii gudaha u galay hoteelka oo dhammaantood toogasho lagu dilay markii laga tego ninkii is qarxiyey.

Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in goordhow hay’adaha amnigu ay qarxin doonaan miinooyinkaasi, isaga oo farriin u diray shacabka reer Muqdisho.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa in Ciidanka Booliska ay goor dhow qarxin doonaan haraadiga waxyaabaha qarxa oo yaalla Hotel Rays,” ayuu yiri Doodishe.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday shacabka in aysan walwal muujin inta uu socda howlgalka qarxinta ah ee ay sameynayaan ciidamada Booliska, gaar ahaan kuwa miino baarista.

“Waxaan dadweynaha sharaf leh ka codsaneynaa in aysan hawlgalkaas qarxinta ah u arkin mid khatar ku ah nabad-gelyadooda.” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in weerarkan lagu dilay illaa 8 qof, islamarkaana lasoo badbaadiyey illaa 60 kale oo isugu jiro dad shacab ah iyo mas’uuliyiin.

Weerarkan oo saacado badan qaatay ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan gobollada dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.