Qaraxyo lagu weeraray guddoomiye Maxkamadeed

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Qaraxyo lala eegtay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Sheekh Cabdi.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in ujeedkiisa uu ahaa in lagu khaarijiyo Guddoomiyaha, waxa uuna weerarka dhacay xili Guddoomiyaha Maxkamada uu kasoo dhaqaajiyay Hooygiisa.

Qaraxyada ayaa la sheegay in lagu aasay waddoo uu si joogta ah u isticmaalo Guddoomiyaha, waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxyada uu kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maxkamada uu dhaawac fudud kasoo gaaray Qaraxa, halka wararkaasi ka duwana ay sheegayaan in Qaraxa uu saameyn ku yeeshay ilaalada Guddoomiyaha Maxkamada Baardheere Sheekh Cabdi.

Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaanahaani Guddoomiyaha ay ku badanayeen eedeymaha loo jeedinaaya ee ku aadan qaabka uu ugu raali yahay xukunada ay Maxkamada rido.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Baardheere oo ku aadan Qaraxa lagu khaarijin lahaa Guddoomiyaha Maxkamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com