Isbitalka Deva oo dib u habeyn iyo magac ka bedel lagu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib loo howlgaliyay Isbitaalka Deva ee magaalada Muqdisho kadib markii dhawaan ay xukuumada Somalia amar ku bixisay in Isbitaalkaasi la xiro, isla markaana shaqaalihii Turkida ee ka howlgalaayay ay dalka isaga baxaan.

Isbitaalkaani oo bilo kooban xirnaa ayaa waxaa iminka suuragashay in dib loo howlgalsho, iyadoo ay Safaarada Turkiga ee Somalia ay dib u habeen ku sameysay amarka Xukuumada Somalia kadib.

Isbitaalkaani oo la oran jiray Deva ayaa waxaa iminka loo bixiyay Recep Tayyip, waxa uuna noqonayaa qeyb kamid ah Isbitaalka Digfeer ee Turkida ay dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.

Dhakhaatiirta ka howlgasha Isbitaalkaani laga eryay Hay’adii maamuli jirtay ee lala xiriirinaayo wadaadka Afganbiga ku sigtay ayaa waxaa ka howlgala dhakhaatiir aad uga tirro yar kuwii hore kuwaasi oo qaarkood laga soo wareejiyay Isbitaalka Digfeer oo ah qeybta weyn.

Shakiga ugu badan ayaa ah in Isbitaalkaani laga bedelay magaca oo ay iminka gacanta ku heyso Safaarada Turkiga uu bixin doono adeegyadii caafimaadka ee looga bartay iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com