Xog: DF oo ku dhaqaaqeysa arrin ay ka baratay shirkii IGAD ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa wada qorsho lagu xaqiijinaayo amaanka magaalada Muqdisho iyo kan Gobolada dalka ka hor inta aan la gaarin xiliga doorashada.

Qorshaha lagu xaqiijinaayo amaanka oo ay hogaamineyso Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lasoo bandhigay.

Qorshaha ay wado Madaxtooyada ayaa ah in inta badan magaalada Muqdisho iyo Gobolada ay ka dhici doonaan doorashooyinka la geeyo ciidamo si gaar ah u tababaran kuwaasi oo baacsan doona dhinacyada diidan xasiloonida.

Ciidamada loo diyaarinoo Goobaha doorashada ayaa u badnaan doona ku dhawaan laga soo saaray Tababaro oo ka kala kooban dhammaan Hay’adaha amaanka, waxaana sidoo kale lagu biirin doono ciidamo kale oo iminka siyaabo kala duwan uga howlgala Caasimada iyo Gobolada dalka.

Sidoo kale, Qorshaha Madaxtooyada ayaa ah in mudada ay socto doorashooyinka amaanka loo xaqiijiyo sida loo xaqiijiyay kan shirka IGAD, waxa ayna Madaxtooyado la dhacday qaabka loo sugay amniga inta uu socday shirka IGAD.

Dowlada Somalia ayaa goor sii horeysay shaaca ka qaaday inay wado qaabab kala duwan oo Hay’adaha amaanka ay ku sugi doonaan amniga Goobaha Doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com