Qaraxyo ruxay suuqa Bakaaraha iyo khasaaraha oo maraya illaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhow halkaasi ay ka dhaceen Qaraxyo loo adeegsaday Bambooyin.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa inay ahaayen laba Qarax oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada, gaar ahaan kuwa qaabilsan qaadista canshuurka, waxa ayna xiligaasi gacanta kula jireen canshuur qaadista.

Weerarada ayaa la sheegay ka dhaceen Suuqa bakaaraha qeybta lagu iibiyo boorsooyinka, iyadoo Qaraxyadaasi ay ku dhinteen ilaa Seddex ruux oo mid kamid ah uu ahaa Askari ka tirsan dowlada.

Qaraxyada ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa Seddex ruux, walow goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in dhaawaca uu gaarayo ilaa shan ruux.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi laga xirxiray ilaa 12 ruux oo lagu tuhmaayo inay ka danbeeyen Qaraxa, kuwaasi oo loo gudbiyay Xabsiga Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Meydadka dadkii ku dhintay Qaraxyada ayaa waxaa halkaasi ka qaaday ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa gurmadka u ahaa kuwii la weeraray.

Maaha Qaraxyadii ugu horeeyay oo lagu weeraro ciidamo ka tirsan dowlada oo howlo shaqo u jooga Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com