Document: CC oo magacabaay guddiga doorashada heer gobol iyo Somaliland oo qeyb ka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa magacaabay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dawlad Gobolleed (GHDDDG) ee Sanadka 2016.

Guddigan ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka kala socda maamullada Koonfur Galbeed, Jubaland, Puntland, Galmudug iyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Guddiga waxaan ku jirin cid matasha gobolka Banaadir, oo tan iyo markii Xasan Sheekh uu madaxweyne noqday laga dhigay gobol aan ka mid ahayn Soomaaliya, dadkiisuna sidaas ku qanceyn.

Waxaa yaab leh in Cumar uu guddigan ku daray xubno ka socda Somaliland, inkasta oo Somaliland ay sheegtay inay ka go’day Soomalaiya.

cc1cc2cc3cc4cc5