QATAR oo Sacuudiga iyo Imaaraadka ku haysa kiis culus iyo Mareykanka oo…

Doxa (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qadar ayaa xaqiijiyey in baartinaanno madax bannaan caddeeyeen in Sacuudi Careeiya iyo Imaaraadka ay ku lug lahaayeen jabsi loo geystay wakaaladda wararka ee Qadar sanadkii hore.

Ali bin Fetais Al-Marri waxa uu wacad ku maray in maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague ku taal uu la tiigsan doono.

Al-Marri waxa uu arrintaas ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Jimcihii New York iyada oo ay horjoogeen koox sharci yaqaano reer Mareykan ah sida ay warisay Aljazeera.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sharraxy in ay sharci yaqaanno caalami ah uruuriyeen caddeymo muujinaya ku lug luhahaanshaha Sucuudiga iyo Imaaraadka. Aragtidan waxaa taageeray xeer ilaalihii hore ee Mareykanka Michael Mukasey, kaas oo hadda xubin ka ah kooxda sharci yaqaanada Mareykanka – waxa uu xaqiijiyey in ay jiraan caddeymo muujinaya ku lug lahaanshaha Riyaad iyo Abu Dubai “Burcadnimada”. Kooxda waxa ay bishii Maajo ee sanadkii hore hadalkan ka sheegeen xarunta QNA. Sidoo kale kooxda waxa ay intaas ku dartay, in uu yiri: “Dib ayaan uga xaajoon doonnaa sida laga yeelayo.”

Muddada sanadka ah, mas’uuliyiinta Qadar waxa ay arintan burcadnimada ah wadashaqeyn kala lahaayeen hay’adda baaritaanka ee Federal-ka America iyo hay’adda dambiyada qaranka ee Britain.

Khilaafka wadamada Khaliifka ayaa galay sanadkii labaad kaddib markii ay Qadar xiriirka u jareen Saudi Arabia, UAE, Bahrain iyo Egypt sababo la xiriiriira in ay taageerto kooxaha argagaxisada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com