Daawo: GAAS waxa uu ka aaminsan yahay Farmaajo iyo sida uu ula-dhaqmo

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ahna gudoomiyaha golaha iskaashatada maamul gobolleedyada ayaa hormuud u ahaa shirkii dhawaan Kismaayo ka dhacay ee dowladda dhexe loogu jaray wadashaqeynta.

Cabdiweli Gaas oo ay ka dhammaatay mudaddii xilka madaxweynha Puntland, hadana wajahaya doorasho ayaa ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo dowladdiisa mid sameysay ku tagrifal awoodeed, goonina taladii u maroorsatay, sababna u ah dib u dhac uu sheegay in ay dowladnimada Soomaaliya ku timid.

Sidoo kale eedo tiro badan oo u gogol xaadhay in ay dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xiriirka u jaraan ayaa lagu qoray war-murtiyeed ka soo baxay shirkii Kismaayo ee uu Gaas gudoonka ka ahaa.

Hadaba muuqaalka hoose marka aad daawato waxaa ku soo baxaysa weydiin ah Gaas miyuusan lahayn dhago iyo af is maqla!?

Muuqaalkan Gaas waxa uu ku caddeynayaa in ay saaxiibbo yihiin madaxweyne Farmaajo oo ay aad isu garanayaan, sidoo kale uu aaminsannahay niyad wanaagga madaxweynaha in ay fure u noqon doonto samata bixinta Soomaaliya.

Gaas sidoo kale waxa uu leeyhay in dhaqanka Soomaalida muddooyinka dambe ahaa in dowladda oo aan muddo joogin lagu buuqo oo la’isku tayo in laga horistago hawleheeda si loo majaxaabiyo!