Ruushka oo Israel u diray hanjabaad culus iyo xaalka oo meel xun maraya (Aqri)

Moscow (Caasimadda Online) – Dowladda Ruushka ayaa ku eedeysay ciidamada Israa’iil inay ka danbeeyeen oo sabab u noqdeen diayarad milateri oo laga soo riday Ruushka, taasoo ku sugneyd Badda Dhexe ee dhow magaalada Ladiqiya ee dalka Syria.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa shaacisay in diyaaradda oo ahayd nooca sahanka ee IL-20 ay ku jirtay duulimaad caadi ah, isla markaana ay isku qariyeen diyaarado dagaal oo Israa’iil leedahay, kuwasoo gadaasheeda gantaalo ka riday iyadoo weerarraya magaalada Ladiqiya ee dalka Suuriya.

Ciidamada difaaca Cirka ee Suuriya Gantaallo ugu jawaabay diyaradaha dagaalka Israel oo ahaa nooca F-16, taasoo keentay in gantaallaha SAM-200 ay haleelaan diyaaradda Ruushka oo ay saarnaayeen 15 askari oo Milateriga Ruushka ka mida, kuwaasoo ku dhintay diyaaradda dhacday.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa caddeysay inay Israel mas’uul ka tahay geerida ciidamada Ruushka, ayna ku kacday fal caddownimo ah, iyadoo aan weerarka ay qaaday ku wargelin taliska Ruushka ee ay iskaashiga leeyihiin, waxayna ku hanjabtay inay jawaab munaasib ah ka bixin doonto falka gardarrada ah ee Israel.

Dowladda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Israel u fadhiya magaalada Moskow, iyadoo la gaarsiiyey go’aanka Ruushka lagana dalbaday caddeyn degdeg ah.

Caasimada Online

Xafiiska Moscow

Caasimada@live.com