Qaybo ka mid ah suuqa BAKAARAHA ‘oo u xirmay’ amar kasoo baxay kooxda…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ay xiran yihiin qaybo ka mid ah suuqaasi kadib markii uu saameeyey amar ka soo baxay kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa la gu soo warramayaa inay salka ku heyso lacago canshuur bixin ah oo ay kooxda dul dhigtay ganacsatada suuqaasi, taas oo keentay in goobaha qaar ay xirmaan.

Sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay inay hanjabaad uga timid kooxda, isla-markaana cabsi darteed ay u xireen goobahooda ganacsiga oo aan maanta la furin.

Goobaha ay arrintaan saameysay waxaa ka mid ah bakhaarada waa weyn, qaybta bagaashka iyo daawada, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Kooxda Daacish oo marar badan awaamiir kusoo rogtay ganacsatada Bakaaraha ayaa hadda u muuqata in markale dib u bilowday olole ay lacago uga qaadeyso ganacsatada.

Dhacdadaan ma’aha ugub, waxaana dhowr jeer kooxdu sidaan oo kale lacago canshuuro ah ugu soo rogtay suuqa Bakaaraha, waxaana ugu dambeeyey bishii Janaayo ee sanadkan, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geyso suuqa, kuwaas oo ku amray ganacsatada inay furaan goobahooda oo ay markaas u xireen digniin uga timid Daacish.

Kooxda Daacish ayaa bilihii lasoo dhaafay culeys xoog leh saartay ganacsatada Muqdisho, si gaar ah kuwa Bakaaraha, sida ay shaaciyeen  ganasatada qaar oo aan la hadalnay.

Si kastab, dadka ku nool caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho dhinac walba ayey ka dhiban yihiin, Hanti, Naf iyo mustaqbal midna uma dhaqna, mana jirto aragti dhexdooda taala oo badbaadin karta kumana mashquulsana intaas la helo, gacan dowladeed oo arrintaan ku howlana ma jirto, waxaana maanta la kala dooradsiinayaa dadka reer Muqdisho inay seddex canshuur bixiyaan ama sidoo kale inay shaqo la’aan iska noqdaan.