Wararkii ugu dambeeyay Shirka Baydhaba

Baydhaba (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta maamul goboleedka Koofur Galbeed.

Garoonka diyaaradaha Shaatigaduud waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha koofur Galbeed C/Casiis Lafta-gareen, masuuliyiinta maamulka iyo xubno kale.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in kulan wadatashi ah uu u furmi doono Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, waxeyna uga tashanayaan mowqifkooda ku aadan shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli madaxtooyada Soomaaliya ay ku dhawaaqday in 10-ka bishaan uu qabsoomi doono shir loo dhan yahay oo looga tashanayo halka loo jiheyn doono Soomaaliya.

Go’aanka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa nuxur la’aan ka dhigaya shirka ay yeelanayaan saddexda madaxweyne, waxaana la filayaa iney galinka dambe ee maanta si wadajir ah usoo gaaraan magaalada Muqdisho.

Shirkooda wuxuu noqon doonaa mid ku kooabn wadatashi, balse ma heystaan fursad ay ku gaaraan go’aamo u gaar ah oo ay ku gor-gortamaan.