Xog: Mowqifka, Qoor Qoor, Waare iyo Lafta Gareen ee shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynayaasha Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay aqbaleen inay yimaadaan Muqdisho, si loo sii amba qaado wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulan u dhaxeeya seddaxda madaxweyne goboleed ee Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa lagu wadaa in uu berri ka furmo magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen ayaa hadda ku sugan Baydhaba, iyadoo berri uu magaaladaas ku wajahanyahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynayaashu shirka Baydhaba kadib ay soo gaari doonaan Muqdisho, gelinka dambe ee Arbacada berri ama maalinta xigta ee Khamiista.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta shaacisay in 10-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota uu Muqdisho ka furmi doono shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Caasimada Online ayaa ogaatay in sababta ay Villa Somalia u shaacisay xilliga uu furmayo shirkaas ay ka dambeysay aqbalaada casuumada shirka ee madaxda dowlad goboleedyada ee Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Kulanka Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare ee Baydhaba ayaa xoogiisu yahay waxa ay ka yeeli lahaayeen qodobadii shirka Dhuusamareeb-3, marka ay tagaan Muqdisho iyo sidii mowqifkooda u mideysnaan lahaa.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa mudo hal todobaad ah ku sugan Muqdisho, iyagoo shir ay la yeeshaan Madaxweyne Farmaajo shuruud uga dhigay inay ka soo qeyb galaan madaxweynayaasha Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taas oo markii dambe uu aqbalay madaxweyne Farmaajo.