Qiimaha lagu iibiyo hubka fudud ee MUQDISHO oo gaaray halkii ugu sarreeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqyada magaalada Muqdisho ee sida sharci darada iyo qarsoodiga loogu kala iibsado hubka,  ayaa qiimihii ugu sarreeyay lagu kala iibsanayaa hubka inta la og yahay taariikhda burburkii dowladnimadii Soomaaliya kadib.

Baaris ay sameysay Caasimadda Online, oo ay ku booqatay suuqyada lagu kala iibiyo hubka,  ayaa waxaa u suuragashay inay ogaato qiimaha hubka la kala siisto, waxaana qoriga AK-47 oo ah qori aad u fudud oo ah midka Soomaalida adeegsato xiligaan uu gaaray qiimihii ugu sareeyay abid.

Qiimaha AK-47 ayaa xiligaan la kala siisanayaa qiimo dhan 2,000 dollar, halkii bilooyin ka hor uu ka ahaa 1,100 dollar, waxaa sidoo kale qiimaha la kala siisto qoriga daran-dooriga u dhaca ee PKM ee Soomaalida u taqaan “Daba-miishaar ama Dabajeex” ayaa qiimihiisa laba jibaarmay, waxaana la kala siisanayaa 15,00 dollar, halkii markii hore uu ka ahaa 8,000 dollar.

Sare ku kaca ku yimid qiimaha hubka ayaa loo aaneynayaa xiliga la guda galay ololaha doorashada iyo xiisadaha ka dhashay, iyadoo ganacsatada hubka iibisa ay tilmaameen in si xad-dhaaf ah hubka looga iibsanayo, taasoo u sabab ah sare u saca hubka fudud.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sare uga sii kacaya cabsida laga qabo in madaxweyne Farmaajo uu isku dayo inuu awood ciidan uu xukunka kusii haysto, islamarkaana qaban waayo doorasho xalaal ah, ayada oo waqtigiisa uu ku eg yahay 7-da Febraayo.

Arrintan ayaa kusoo aadeysay ayada oo sidoo kale boqolaal askari ay soo galeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka yimid degaano ku yaalla gobalka Shabeellada Dhexe iyo xaafado ka mid ah Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan ay habeenadii la soo dhaafay soo galayeen Muqdisho waxayna dagaan ilaa 3 fariisin oo ku yaalla waqooyiga Muqdisho.

Maleeshiyada soo galay Muqdisho oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in ay wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus iyo mid fududba ilaa haddana lama oga cidda ay sida rasmiga ah uga amar qaataan.