Qiimaha lagu iibiyo iPhone oo gaari doona $2,300 kadib tallaabadii uu qaaday Trump

Cupertino (Caasimada Online) – Qiimaha taleefannada caanka ah ee iPhone ayaa laga yaabaa inuu dhowaan sare u kaco sababo la xiriira canshuuraha cusub ee la soo rogay.

Madaxweynihii Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo rogay canshuuro culus oo saameyn weyn ku yeelan kara ganacsiga caalamiga ah. Falanqeeyayaasha ayaa Sabtidii sheegay in badeecooyinka ay macaamiishu isticmaalaan sida taleefannada iPhone ay noqon karaan kuwa ugu badan ee uu sicir-bararkani saameeyo, iyadoo qiimaha badeecaduhu uu kor u kici karo 30% ilaa 40% haddii shirkaddu ay kharashaadka dheeraadka ah ku wareejiso macaamiisha.

Taleefannada iPhone badankoodu wali Shiinaha ayaa lagu soo saaraa, waxaana dalkaas lagu soo rogay canshuur gaareysa 54%. Haddii canshuurahaasi sii socdaan, shirkadda Apple ayaa wajihi doonta go’aan adag oo ah inay iyadu qaadato kharashaadka dheeraadka ah ama inay macaamiisheeda ku wareejiso.

Qiimaha saamiyada shirkadda Apple ayaa Khamiistii hoos u dhacay 9.3%, taasoo noqotay hoos-u-dhacii ugu weynaa ee asiiba tan iyo Maarso 2020.

Shirkadda Apple ayaa sannad kasta iibisa in ka badan 220 milyan oo iPhones ah, iyadoo suuqyadeeda ugu waaweyn ay yihiin Maraykanka, Shiinaha iyo Yurub.

Moodeelka ugu jaban ee iPhone 16 ayaa lagu soo bandhigay qiimo dhan $799 gudaha Maraykanka, balse qiimihiisu wuxuu gaari karaa ilaa $1,142, sida lagu sheegay falanqeyn ay soo saareen khubarada shirkadda Rosenblatt Securities, kuwaas oo saadaaliyay inuu qiimaha kor u kici karo ilaa 43% haddii shirkaddu kharashkaasi macaamiisha ku wareejiso.

Moodeelka qaaliga ah ee iPhone 16 Pro Max, oo leh shaashad 6.9 inch ah iyo kayd dhan 1 terabyte, oo hadda lagu iibiyo $1,599, ayaa laga yaabaa inuu gaaro ilaa $2,300 haddii qiimaha kororka ah la saaro macaamiisha.

Donald Trump ayaa canshuurahan cusub hore ugu soo rogay badeecooyin badan oo laga soo dhoofiyo Shiinaha xilligii uu ahaa Madaxweynaha, isagoo shirkadaha Maraykanka ku cadaadinayay inay soo celiyaan wax soo saarkooda gudaha Maraykanka ama waddamada dariska ah sida Mexico. Apple ayaa horey u heshay ka-dhaafitaan canshuureed, laakiin markan weli lama siin wax dhaafitaan ah.

“Arrinta canshuuraha Shiinaha ayaa hadda u muuqata mid gebi ahaanba ka duwan wixii aan filaynay; waxaan filaynay in shirkadda Apple si gaar ah loogu fududayn doono sidii hore,” ayuu qoraal ku yiri Barton Crockett oo ka tirsan shirkadda Rosenblatt Securities.

Taleefanka cusub ee iPhone 16e oo la soo bandhigay bishii Febraayo, laguna xoojiyay adeegyo casri ah oo ku shaqeeya garaadka macmalka (AI), ayaa hadda lagu iibinayaa qiimo dhan $599. Qiimahaas ayaa gaari kara ilaa $856 haddii qiimuhu kordho 43%. Aaladaha kale ee shirkadda Apple ayaa sidoo kale wajahaya koror qiimo.

Apple wali kama aysan jawaabin codsiyada faallooyinka la xiriira arrintan. Macaamiil badan ayaa taleefannada ku iibsada heshiisyo ay la galaan shirkadaha taleefannada, iyagoo lacagta ku bixiya muddo u dhaxaysa laba illaa saddex sano.

Dhinaca kale, falanqeeyayaal kale ayaa sheegay in iibka taleefannada iPhone uu hoos u dhacay suuqyada muhiimka ah ee shirkadda, sababtoo ah adeegga cusub ee Apple Intelligence oo macaamiisha ka caawiya inay soo koobaan fariimaha, dib ugu qoraan emayllada, iyo inay helaan adeegyada sida ChatGPT, ayaa awoodi waayay inuu soo jiito xiisaha dadka.

Khabiirada ayaa sidoo kale tilmaamay in adeegyada cusub ee shirkadda Apple ay yihiin kuwo casri ah balse aysan u muuqan kuwo ku filan inay dadka ku dhiirrigeliyaan inay u wareegaan moodeellada cusub.

Hoos-u-dhaca dalabka ayaa shirkadda Apple ku kordhin kara cadaadiska dhaqaale, gaar ahaan haddii qiimaha alaabteedu kor u kaco sababo la xiriira canshuurahan cusub.

Angelo Zino oo ah falanqeeye dhaqaale oo ka tirsan CFRA Research ayaa sheegay in shirkadda Apple ay ku adkaan doonto inay macaamiisha ku wareejiso in ka badan 5% ilaa 10% ee kharashaadka dheeraadka ah.

“Waxaan filaynaa in shirkadda Apple aysan samayn doonin koror qiimo oo weyn ilaa dayrta soo socota, marka ay soo bandhigto moodeelkeeda cusub ee iPhone 17, taas oo ah habka caadiga ah ee shirkaddu u wajahdo qiimo-kordhinta qorsheysan,” ayuu yiri Angelo Zino.

In kasta oo wax-soo-saarka qaar loo wareejiyay waddamada Vietnam iyo India, haddana badanka taleefannada iPhone weli Shiinaha ayaa lagu soo saaraa, iyadoo labada waddan ee kale laftooda aysan ka badbaadin canshuuraha, iyadoo Vietnam lagu soo rogay canshuur dhan 46%, halka India canshuurta saaran tahay ay tahay 26%.

Apple ayaa u baahan inay qiimaha celcelis ahaan sare u qaaddo ilaa 30% si ay uga hortagto saamaynta canshuuraha cusub, sida uu sheegay Neil Shah oo ka tirsan Counterpoint Research.

Qiimo-kororkan ayaa sababi kara hoos-u-dhac ku yimaada dalabka iPhone-ka, isagoo faa’iido siin kara shirkadda Samsung Electronics ee Kuuriyada Koonfureed, oo dalkaasi canshuurta ku waajahaysa uu ka yar yahay kan Shiinaha.

“Qiimeyntayada hordhaca ah ee canshuuraha cusub waxay muujinaysaa in shirkadda Apple ay wajihi karto culays dhaqaale oo gaari kara ilaa 40 bilyan oo dollar,” ayuu yiri Crockett, isagoo intaas ku daray inay suurtagal tahay wada-hadallo dhex mara Apple, Shiinaha iyo Aqalka Cad.

“Way adag tahay inaan sawiranno Trump oo dhaawac weyn gaarsiinaya shirkad calaamad u ah Maraykanka sida Apple, laakiin xaaladda hadda taagan waa mid aad u adag,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Crockett.