Qisada hooyo Somali ah oo qaraxii Zobe uu ku celiyey xaalad ay kasoo gudubtay

Kakuma (Caasimadda Online) – ‘‘Anigoo miyir daboolmay ayaa meel la iga qaaday, qaraxii Zoobe ayaan ku dhaawacmay, waxaa sidoo kale qaraxaasi aan ku waayay labo wiil oo aan dhalay kuwaasi oo ku dhintay qaraxa”, ayay tiri Madiina Jimcaale oo ah hooyo dhashay shan carruur ah.

Madiina Jimcaale ayaa rajadii ay ka qabtay inay nolol cusub dalkeeda ka billaaban doonto ay meesha ka baxday, waxayna hadda dib ugu soo laabatay xerada qaxootiga ee Kaakuma oo ay 2 sano ka hor uun ka tagtay.

Qarixii Soobe ayay sheegtay inuu burburiyay riyadii ay ka qabtay inay dalkeeda nolol cusub dib uga billaabi doonto.

in ka badan 500 oo qof ayaa ku dhimatay qarxaasi oo dhacay 14kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Sannadkii 2014-kii waxaa dowladda Kenya oo kaashaneysa hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ay ku dhawaaqday, inay bilaabayso dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Wixii markaa ka dambeeyey waxay dad badan bilaabeen inay si iskood ah isu diiwaan geliyaan oo ay ku noqdaan Soomaaliya, taasoo nolol hor leh u horseeday qaxooti inta badan dalkooda ka maqnaa tobanaan sano ah. UNHCR waxay sheegtay in ilaa iyo hadda….. oo qof ay noqdeen.

Inkastoo dad badan ay nolo cusub billowdeen haddana waxaa jiray boqolaal kale oo ib u laabtay sida hooyo Madiiana.

Weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato oo safar shaqo ku tegay xerada qaxootiga ee Kakuma ayaa Madina waxaa uu kula kulmay guri cooshado ka sameysan oo ay ku nool yihiin iyada iyo qoyskeeda, waxaana uu sheegay in Madiina ay u muuqatay qof argagaxsan, iyadoo dib ula soo laabatay caruurtii ay dhashay iyo kuwa ay sii dhaleen oo gaaraya labaatan qof.

Nolol adag Noloshada adag ee qaxootiga oo dad badan ay aad uga sheegtaan ayaa Madina waxaa ay imika uu muuqataa mid doorbiday, oo waxaa ay rumaysan tahay in go’aankii ay qaadatay dhowr sano ka hor uu ahaa mid aanan waxba kusoo kordhinin qoyskeeda.

”Wax ii qorsheysan ma jiraan, wixii alle ii qoro ayaan qabaa” ayey tiri Madiina.

U qaybsanaha hay’adda UNHCR ee arrimaha taakuleynta qaxootiga, Sedka Sujam, waxaa ay BBC u sheegtay in qaxootiga dib ugu laabta dalkooda ee haddana dib ugu soo gurya noqda xerooyinka qaxootiga loo qaabilo sida qaxooti cusub.

Xilli qaxooti badan oo dib ugu laabtay soomaaliya ay la qabsadeen nolosha, horumarna ay ku tallaabsadeen ayaa waxaad mooddaa in taasi aysan u suurtagelin hooyo Madiina Jimcaale oo nolol ay sameysato iska daaye, ka shallaynaysa go’aankii ay ku noqotay.

Xigasho: BBC Somali

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com