Xasan Kheyre oo wax kama jiraan ka dhigay heshiiska DF Soomaaliya iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan dalka Norwey ayaa ka hadlay warar ay isla dhexmarayaan dadka Soomaaliyeed oo ku saleysan Heshiiska ay dowlada Somalia la gashay Ethiopia.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay jiran dad wax walba siyaasadeeya oo baraha bulshada ku soo qora aragti ku saleysan rabitaankooda.

Waxa uu yiri “Waxaa jira dad ka soo horjeeda dowladnimada oo weliba Facebook wax ku siyaasadeeya,dadkana xumaan uga dhiga,heshiiskii Ethiopia iyo Somalia ee lagu gaaray muqdisho’’

‘’Warmurtiyeed ayaa lagu soo saarey in dhaqankii hore wax laga bedelo iyo in dekadaha Somalia loo furay ganacsi si loo isticamaalo’’.

Kheyre, waxa uu sheegay in dhaliilaha la jaanrogay ay kamid tahay heshiiskii Somalia iyo Ethiopia oo uu cadeeyay in qaab khaldan loo dhigay.

Kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay kulan Magaalada Oslo uu kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway, waxa uuna tilmaamay in wararka xun ay baahiyaan kuwo ka soo horjeeda inay hormarto dowladnimada.

Kheyre isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay  inaanu jirin Dekad la siiyay Ethiopia, balse Dekedaha ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu Kheyre qiray inay la kulmeen Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo ay wada hadal yeesheen, intaasi kadibna ay soo saareen war-murtiyeed khuseeya kulankooda, balse halkaasi uusan ka dhicin wax heshiis ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu yiri ‘’Maalmahan waxaan maqlayay in heshiis lala galay dowladda Ethiopia, annaga wax heshiis ah lama gelin Ethiopia, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa inoo yimid, waan soo dhaweynay, shirkii markuu idlaaday war-murtiyeed baa ka soo baxay oo aan ku cadeyn heshiis dhacay’’

‘’Waxaan idiin cadeynayaa inaanu jirin Dekedo aan bixinay, Dekedaha shacabka Soomaaliyeed baa iska leh dowladuna awood uma laha in Dekad soomaaliyeed ay Heshiis ku bixiso.”

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa aad u dhaliilay heshiiskaas ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia.

Haddalka Khayre ayaa u muuqda mid lagu dafiraayo Heshiiska ay Dowlada Somalia iyo Ethiopia ay ku saxiixdeen Madaxtooyada Somalia, kaa oo ku xeeran maalgashiga afar Dekadood iyo baahiyo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com