Qiso xiiso badan: Shineemo kala dishay Max’ed Siyaad, Jaamac Maxamed Qaalib & gudoomiyaha Buurhakaba

Abaare 1976, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu golihii dhexe ee gacaanka ka ansixiyey in dib loo soo celiyo Wasaaraddii Arrimaha Gudaha balse magaceeda loo bedelo Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo horumarinta Miyiga.

Wasaaradda markii hore waxaa madax ka ahaa Jaamac Maxamed Qaalib balse markii 1975kii meesha laa saaray loo bedelay Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Hase ahaatee, Madaxweyne Siyaad Barre AUN oo dareemay culeyskii ay ka haysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa goostay in uu soo celiyo dibna ugu magacaabo General Qaalib,balse iyada oo magac kale huwan.

Bilowgiiba, Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu bilaabay dardar galinta hawlaha Wasaaradda isaga oo goostay in mashaariic laga fuliyo degmooyinka dalka.

Waqtigaas degmooyinka waxa ay u kala qeybsanaayeen saddex qeybood oo kala darajo ah; A,B, C.

A – Waxa ay soo saari jireen wax ka badan inta ay ku dabaraan dhaqaalaha uga baxa hawlaha degmada

B – Waxa ay ku filnaayeen in ay iyaga uun is maareeyaan

C –Iyagaa la kabi jiray

Maxaa kala qabsaday gudoomiyihii degmada Buurhakaba, MD Siyaad Barre (AUN) iyo Wasiirkii Dowladaha Hoose & Horumarinta Miyiga?

Buurhakaba waxa ay ku jirtay degmooyinkii A-da ahaa ee uu dakhligii ka soo xeroon jiray aad u badnaa.

Wasiir Jaamac oo taas ka duulaya waxa uu tegay degmada isaga oo doonayey in uu ka jawaabo baahidihii biyo la’aanta ahayd ee ka jirtay.

Degmada xilligaas waxaa ka jirtay biyo la’aan aad u ba’an oo bulshada waxa ay meelo fog fog biyo uga soo dhaansan jireen Dameerro.

Taas oo ay jirto, waxaa xilligaas sanado ka horreeyey isaga oo boqasho ku tagay WAR u sameeyey Xuseen Kulmiye Afrax (AUN) balse markii uu Jaamac Qaalib tagay waxaa ka buuxay dhoobo.

Wasiir Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu go’aansaday in uu dhoobo qaado, ballaariyo oo uu jay ku shubo WARTA balse waxaa ka diiday gudoomiyihii DEGMADA oo lagu magacaabi jiray SANDHEERE oo u sheegay in bulshada degmada ay rabaan in loo sameeyo SHINEEMO!

Jaamac Maxamed Qaalib wuu ka diiday isaga oo u sheegay in uu been sheegayo ee uu isagu doonayo SHINEEMADA!

Iyada oo ay halkaas sheekadu joogto, waxaa Buurhakaba soo maray Madaxweyne Siyaad Barre oo u socda Baydhabo balse intuu uu bulshada salaamayey ayuu SANDHEERE u sheegay in dadweynaha doonayaan SHINEEMO kana codsanayaan in uu dhagax dhigio! Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu dhagax dhigay Shineemadii waxa uuna sii watay safarkiisii!

Maxaa xigay?

Gudoomiyihii degmada waxa uu taar u soo diray Jaamac Maxamed Qaalib oo uu kaga dalbanayo in la soo daayo lacagta lagu dhisi lahaa Shineemada! Markan isaga oo is bidaya awood maadaama Madaxweynaha dhagax dhigay!

Hase ahaatee, Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib wuu ka diiday isaga oo ku sii socday barnaamijkiisii hore ee ahaa hagaajinta WARTA.

Maxaa dhacay?

Gudoomiyihii oo xanaaqsan waxa uu warqad dacwad ah u soo qoray Madaxweyne Siyaad Barre isaga oo u sheegay in Jaamac Qaalib diiday dhisidda Shineemadii uu isagu dhagax dhigay!

Madaxweyne Siyaad Barre (AUN) waxa uu waqrad ay ku qoran tahay laba sadar u soo qoray Jaamac Maxaed Qaalib oo uu kaga dalbanayo in uu uga soo warbixiyo sida ay xaaladdu tahay.

Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu ugu jawaabay warqad saddex bog ah oo uu ku faahfaahiyey sidii ay wax u jireen!

Muxuu xaal ku dambeeyey?

Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu wacay gudoomihii degmada Buurhakaba waxa uuna ku amray in uu ku socdo qorshaha Wasaaradda!

Waxaan soo xigtay oo iiga sheekeeyey General Jaamac Maxamed Qaalib oo ahaa barahaygii Jaamacadda ee Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya.

W/Q: Mohamed Kaafi
Email: Muhamedkaafi@Gmail.com