DF: Waxaa joogaa xiligii uu madaxweyne FARMAAJO ka dagi lahaa HARGEYSA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in la gaaray xiliga uu dib u bilaaban lahaa wadahadalka Dowlada Somalia iyo Somaliland.

Khadar waxa uu sheegay in Dowladda federaalka Somalia ay diyaar u tahay in mar kale la dardar galiyo sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii hakatka galay.

Waxa uu Ra’isul wasaare ku-xigeenka sheegay in qorshaha uu ahaa in marka hore ay wada hadal yeeshan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi bishii April ee sanadkan, balse uu u baaqday dagaalkii ka dhacay degaanka Tukaraq.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka in madaxweyne Farmaajo xiliganba uu diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargeysa isaga oo calanka Somalia sida.

Nuqul kamid ah haddalka Khadar ayaa ahaa “Haddaba waala gaaray xiliga madaxweynaha uu ka degi lahaa magaalada Hargeysa dibna u bilaabmi lahaayeen wada hadalada”

“Waxaa sidoo kale la gaaray xilligii madaxweyne Muuse Biixi uu ka soo degi lahaa Muqdisho, hadii cid walba ay joogto booskeeda wax soconaya malahan”. Ayuu yiri R/W ku xigeenka dalka oo la hadlay BBC-da.

Waxaa sidoo kale, arrintaan ka hadlay Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Somaliland Sacad Cali Shire oo isna dhankiisa ka sheegay in aan wali la isla gaarin in madaxweynaha Soomaaliya uu ka dego magaalada Hargeysa balse ay ka horeeyaan wada hadalo.

“Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iminka waxay ku jiraan hakad, kadib markii dowladda ay faragelin ku sameysay heshiiskii Dekeda Berbera ee Somaliland iyo Imaaraadka, si ay inoogu suuro gasho inaan wada hadalkan bilawno waxaa ka horeysa inaan is ictiraafno”. Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, DFS ayaa horay u sheegtay inay ka shaqeyn doonto isku soo dhawaanshaha labada dhan isla markaana ay wada kulman labada Madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com