Gabar arday aheyd oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir, ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay gabar Ardayad aheyd.

Dilka gabadhaani ayaa ka dhacay Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid, waxaana fuliyay maleeshiyaad la socday Mooto.

Marxuumada la dilay oo magaceeda lagu sheegay Ca’isho Cali Saneey ayaa waxa ay xiliga dilkeeda ka timid iskuul ay dhiganeysay oo ku yaalla agagaarka Hotelka Ramadaan.

Dilka gabadhani oo dareen gaara ku abuuray ardayda ayaa waxaa ka hadlay Hooyada dhashay oo lagu magacaabo Fartuun Abuukar Suubiye ayaa sheegtay in dilka ka hor ay maleeshiyaadkaasi jiidjiidayeen gabadheeda.

Waxa ay Hooyadu sheegay in daqiiqado kadib muran soo kala dhex galay gabadha iyo maleeshiyada ay dhowr Xabadood oo bistoolad ah ku dhufteen.

Waxa ay sheegtay in Gabadheeda ay ku jirtay Da’da 14-ka,isla markaana aysan garaneyn, goob waxbarasho ka timid loo dilay.

Si kastaba ha ahaatee, dilka murxuumada ayaa kusoo beegmaya xili asbuuc ka hor magaalada Muqdisho gaar ahaan Jaamacad gudaheeda lagu dhex dilay Haweeney la oranjiray Aamino.

Hoos ka dhageyso wareysiga hooyo Fartuun

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com