Xog: R/Wasaare Kheyre oo ku gacan seyray codsi ugu yimi ganacsatada beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si adag ugu gacan seyray codsi ka yimid ganacsato ka tirsan beeshiisa oo codsi wadajir ah ugu gudbiyey Xafiiskiisa si ay u helaan Laysin Isgaarsiinta oo bilaash ah iyo tixgelin gaar ah oo ku saabsan shuruucda isgaarsiinta dalka ee ay dejisey Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta taas oo iminka dhaqan galay.

Ganacsatadan oo uu hogaaminey Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdulqadir Jaahweyn oo iminka maamula Shirkadda Internetka ee SOON oo ay wehliyaan madax ku beel ah oo leh Shirkaddaha  Dalkom iyo SahalTel ayaa waxa ay u jeediyeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre in ay u baahanyihiin in si gaar ah loo tixgeliyo maadaama aysan awoodin qiimaha ruqsada leysinka ee ay soo rogtay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta isla markaana haddii ay hawada ka baxaaan ay saameyn ku yeelan karaan awooda iyo miisanka siyaasadeed ee beesha.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Siyaasiinta beesha ayaa si weyn ula yaabey damaca ganacsatadan iyo siyaasiintan u abaabulan qaabka qabiil oo doonaya in ay si sharci darro ah u garab maraan shuruucda dalka balse Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amrey in aan xilligan la ogalaan karinin ganacsatadan u abaabulan qaabka qabiil iyo tujaaru xarbi oo uu waqtigooda soo gaabtay.