Madaxweyne ERDOĞAN oo sabab yaab leh u diiday in uu miis la fariisto TRUMP

New York (Caasimada Online) – Saxaafadda Turkiga ayaa daaha ka rogtay sababta uu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan  u gaaray go’aanka ah in uusan hal miis qado kula wadaagin dhiggiisa Mareykanka Donald Trump.

Warbaahinta Turkiga oo ay ku jirto Daily Hurriyet, waxa ay sheegtay Jimcihii in Erdogan uu ka hadlay in uusan hal miis qado kula wadaagi doonin Trump isaga oo la hadlayey koox wariyeyal ah xilli uu New York ka soo aadayey Germany.

Erdogan waxa uu tilmaamay, sida laga soo xiganayo warbaahinta, in sababtii uu ku diiday fariisiga miiska ay ahayd joogiddii Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi.

Labada Madaxweyne, Erdogan iyo dhiggiisa Egypt Sisi waxa ay ku wada sugnaayeen hal madal iyo hal hool iyaga oo goobjoog u ahaa kalfadhigii 73-aad ee Qaramada Midoobe kaas oo bilowday Talaado, 25-kii Sebteembar 2018, waxaana ka hadlay tiro ka mid ah madaxda dalal oo ay ka mid ahaayeen Erdogan iyo Madaxweynaha Mareykanka. Erdogan waxa uu sheegay in ay jirtay casho lagu qabanayey xarunta Qaramada Midoobe, waxa uuna farta ku fiiqay in uu fadhiyey kursiga ka soo horjeeday midkii uu fadhiyey Madaxweynaha Mareykanka.

Waxa uu intaas ku daray amarkii ahaa in uu ku biiro miiskii Trump in aysan ujeedkeedu ahayn miiska balse waxa ay ahayd in uu isla miiskaas joogay Madaxweynaha Masar Sisi, waxa uu sidoo kale raaciyey in mas’uuliyiinta Mareykanka lagu wargaliyey arrintaas.

Xiriirka Masar iyo Turkiga ayaa xumaaday wixii ka dambeeyey 2013 kaddib markii la afgambiyey Maxamed Morsi.

Erdogan waxa uu uu tilmaan ka bixiyey Sisi bilowgii “Afgabmiga” waxa uuna wareysi ay la yeelatay Al Jazeera ku sheegay: “Sisi waxa uu afgambi awood militari ah xukunka uga afgambiyey Madaxweynaha la doortay ee Morsi, Sisi waxba kuma laha dimoqraadiyadda, ku dhawaasho iyo xataa ka fogaansho, waxa uu ahaa Wasiirkii difaaca ee Morsi waxa uuna dilay kumanaan dad ah.”

Sidaas oo kale Erdogan waxa uu daaha ka rogay in uu 2014kii diiday martiqaad uga yimi Qaramada Midoobe xilli kulanka Sisi qeyb ka ahaa.

Waqtigaas waxa uu yiri: “Waxaan helay martiqaad ah in aan hal miis la fariisto qaar ka mid ah Madaxeyneyaasha oo uu ku jiro Madaxweynaha Egypt Abdel Fattah al-Sisi, laakiin waan diiday martiqaadka. Waxa uu yiri: “La fariisiga miis ninkaas waxa ay sharciyeyneysaa xukunkiisa, aniguna ma ahi hoggaamiye ku luma sharciga.”

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
Caasimada@live.com